DAAWO SAWIRADA: Markabkii Mareykanka ee ay ku dhamaaden ciidamada Mareykanka

DAAWO SAWIRADA: Markabkii Mareykanka ee ay ku dhamaaden ciidamada Mareykanka

Todobo kamid ah ciidamada badda ee Mareykanka ayaa geeriyootay kadib markii markab ay saarnaayeen uu ku dhacay markab xamuul oo laga leeyahay dalka Filibiins (Philippines).

Labada Markab ayaa shilka ku galay xeebta IZU ee dalka Japan.Markabka Mareykanka wuxuu ahaa markab dagaal (USS Fitzgerald) nooca lagula dagaalamo gantaalada waxaana lahayd ciidamada badda Mareykanka qaybta 7aad oo saldhigoodu yahay Yokosuka ee dalka Japan halka markabka ku dhacay oo sumadiisa lagu sheegay ACX Crystal oo ah markab xamuul uu sudhnaa calan Philippines ah balse ay maamusho shirkad Japanese ah.

Markabka dagaal ee Mareykanka waxaa gaadhay burbur xoogan waxaana lagu waramayaa in hagaajintiisu bilooyin badan qaadan doonto.Hoos ka daawo muqaalada iyo sawirada laga soo qaaday shilka labadan markab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.