DAAWO SAWIRADA: Weerar loo adeegsaday Gaari xamuul ah oo lagu qaaday Soomaali Salaad kasoo baxday

DAAWO SAWIRADA: Weerar loo adeegsaday Gaari xamuul ah oo lagu qaaday Soomaali Salaad kasoo baxday

Xili ay saqdii dhexe ay muslimiinta magaalada London kasoo baxeen salaada Tarawiixda ayaa la sheegay in gaari uu jiiray muslimiin badan oo marayey wadada dhinaceeda.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya tiradda khasaaraha ka dhashay dhacdadan oo ay Booliiska ay ku tilmaameen fal ay baarayaan. Waxaa jira warar sheegaya in hal qof uu u dhintay dhaawac soo gaaray wallow aan weli la xaqiijin. Waxaa jira dhaawacyo badan.

Dadka musliminta ah ayaa kasoo baxay masaajidka weyn ee ku yaal wadada Seven Sisters Road ee nawaaxiga Finsbury Park, waxaana la sheegay in gaari uu dhex jiiray boqolaal ah dadkii masaajidka kasoo baxay.

Qaar kamid ah dadkii goob-joogayaasha ahaa ayaa sheegaya in gaariga si ulla kac ah loo jiirsiiyey dadka uuna ahaa weerar, halka ay booliiska sheegayaan inay baarayan.

Booliiska ayaa xaqiijiyey inay gacanta ku hayaa ninkii waday gaariga shilkan culus geystay.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmatay xili ay jirto xiisad ka dhalatay Daartii dhawaan ku gubatay xaafada Kingston ee magaalada London oo ay dadka ku dhintay u badnaayeen muslimiin, waxaana sidoo kale horey magaalada London uga dhacay weeraro loo adeegsaday gawaari dadka la jiirsiiyey.

Dalka UK ayey muddooyinkii danbe kusoo badanayeen weerarada muslim-naceybka ah ee lala beegsanayo dadka musliminta ah iyo xarumahooda.

Wixii war ah oo dhacdadan kusoo kordha gadaal baan idinka soo gudbin doonaa haduu eebo idmo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.