Farmaajo oo wada qorsho lagu dhiirigalinaayo Madaxda Hay’adaha amaanka

Farmaajo oo wada qorsho lagu dhiirigalinaayo Madaxda Hay’adaha amaanka

Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ku guda jira kulamo gaargaar ah oo uu ku dhiiri galinaayo Madaxda Hay’adaha amaanka.

Madaxweynaha ayaa Madaxdaasi ku baraarujinaaya inay ka dhabeeyan howlaha amni oo ay u hayaan Qaranka, xili ay maleeshiyaadka Al-shabaab ay maleegayaan weeraro lagu hagar-daaminaayo Qaranka.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta u sheegaya in garab muuqada ay ka heystaan Madaxda ugu sareysa dalka, loona baahan yahay inay majaxaabiyaan Kooxaha nabadiidka ee Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale, Mas’uuliyiinta ugu sareysa Hay’adaha amniga ku dhiiri galinaaya in awoodooda ciidan ay gaarsiiyan ilaa Gobolada dalka, maadaama ay ciidamadu yihiin kuwo isku xiran oo ku baahsan dhammaan Gobolada dalka ilaa iyo Tuulooyinka.

Sidoo kale, Mas’uuliyiintu waxa uu u balanqaadayaa inay heli doonaan wax waliba oo suuragalinkara dib u hanashada Amniga dalka, iyadoo laga duulaaya baahida ay bulshada Soomaaliyeed u qabaan in laga dulqaado kuwa ku midoobay is hortaaga Qaranka.

Mas’uuliyiinta Hay’adaha oo garab ka heysta Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka ayaa dhankooda kasoo dhaweynaaya garab istaaga ay u muujinayaan Madaxda ugu sareysa dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha dalka ayaa ku celcelsha inaan loo dulqaadan doonin dayacnaan dhanka amaanka ah oo ku yimaada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.