Wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga Manchester United

Wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga Manchester United

Manchester United ayaa wali ah kooxda sida xoogan ugu jirta suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, waxaana lala xiriirinayaa dhowr xidig oo waaweyn.

Xidigaha sida weyn loola xiriirinayo United waxaa kamid ah xidigoodi hore Cristiano Ronaldo, garabka weerarka Inter Milan Perisic, Alvaro Morata iyo weeraryahanka Torino Belotti.

Hadii aan ku bilaawno Manchester ayaa ah kooxda sida aadka ah ugu dhow saxiixa weeraryahanka reer Portugal Cristiano Ronaldo, kaasoo isbuucaan si cad u sheegay inuu isaga huleelayo Bernabeu kadib markii ay soo shaacbaxday fadeexada la xiriirta inuu Canshuur lunsaday.

Sida uu daabacay Daily Mirror United ayaa diyaar la ah £175m oo lagu daray De Gea si ay dib ugu soo ceshadaan wiilkoodi hore Cristiano Ronaldo kaasoo hada 32 jir ah.

Sidoo kale United ayaa ugu cadcad saxiixa Alvaro Morata, balse waxaa ku haysta oo kula dhegan Chelsea.

Ronaldo ayaa sanadkii 2009 isaga soo dhaqaaqay Old Trafford, waxaana markale u u furan in 8 sano kadib uu dib ugu laabto Hooygiisi hore, halkaasoo ahayd meeshii uu ku soo shaac baxay.

Sidoo kale United waxeey xiiso weyn u qabtaa wiilka lagu qiimeeyo 100m ee Torino Belotti, kaasoo sidoo kale saxiixiisa ay dooneyso AC Milan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.