Zidane &n Ramos oo taleefan ka wacay C,ronaldo kana baryay inuusan ka tegin Real Madrid

Zidane &n Ramos oo taleefan ka wacay C,ronaldo kana baryay inuusan ka tegin Real Madrid

Wararka ka’imaanaya Spain ayaa sheegaya in macalinka Real Madrid iyo kabtanka kooxdaas Sergio Ramos, ay labadoodaba Taleefanka kula xiriireen Cristiano Ronaldo islamarkaasna ka codsadeen inuusan ka tegin naadiga.

Zinedine Zidane ayaa lagu soo waramayaa inuu si gaar ah xidiga reer Portugal uga baryay inuusan ka tegin kooxda islamarkaasna wali loo baahanyahay.

Cristiano oo 32 jir ah ayaa isbuucaan sheegay inuu doonayo inuu isaga tago Bernabeu, kadib markii ay soo shaacbaxday fadeexada canshuur lunsiga ee loo haysto.

Xidigan afarta mar ku guuleeystay abaalmarinta Ballon d’Or markiisi 5aadna isha ku haya, ayaa xili ciyaareed taariikhi ah sanadkaan la qaatay kooxdiisa isagoo u qaaday La Liga iyo Champion League.

Cristiano ayaa ka carooday in kooxdiisa aysan u muujin taageero xoogan markii lagu soo eedeeyay inuu lunsaday canshuur gaareysa £13million.

Markii ay soo shaacbaxday arinta canshuurta Ronaldo ayaa si degdeg ah u qaatay go’aan lala yaabay wuxuuna si cad u sheegay inuu isaga tagayo Real Madrid iyo nolosha spain, waxaana si weyn loo hadal haayaa inuu dib ugu laabanayo kooxdiisi hore ee Manchester United.

Zidane ayaa sameey doona wax walbo oo uu kooxda ugu sii hayn karo Cristiano Ronaldo kaasoo kamid ah qorshihiisa fog.

Sidoo kale Sergio Ramos oo ah kabtanka kooxda aadna loogu tiriyo inuu saaxiib dhow la yahay Ronaldo ayaa isna taleefanka ka wacay, wuxuuna ka codsaday inuusan ka tegin Bernabeu.

Leave a Reply

Your email address will not be published.