Heshiis dhacay Mohamed Salah oo usoo duulay UK si uu Liverpool ugu biro

Heshiis dhacay Mohamed Salah oo usoo duulay UK si uu Liverpool ugu biro

Sida uu daabacay wargeyska Mirror weerarka garabka uga ciyaara xulka Masar iyo kooxda Roma Mohamed Salah ayaa diyaarad qaas ah u qaatay UK si uu ugu biiro kooxda Liverpool oo mudo ceersaneysay.

Mirror sidoo kale wuxuu daabacay in Salah uu Liverpool ugu biirayo aduun dhan £39million.

Roma iyo Liverpool ayaa ku heshiiyay in Salah uu £33.5m ugu wareego kooxda Klopp iyadoo gadaal laga raacin doono  £5.5m hadii uu Salah kasoo dhalaalo shaqada laga rabo

Salah ayaa noqon doono ciyaaryahankii ugu horeeyay ee ay Liverpool lasoo wareegtay xagaagan, wuxuuna qeyb ka noqon doonaa qorshaha dib u dhiska kooxda ee Klopp kaasoo doonaya in xagaaga dambe u tartamo Koobabka waa weyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.