Muxuu Axmed Madoobe uga digay Dowlada Somalia (Warbixin)

Muxuu Axmed Madoobe uga digay Dowlada Somalia (Warbixin)

Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay xaalada adag ee uu iminka ku jiro dal, xili ay dhaqdhaqaaq wadaan maleeshiyaadka Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay isbedelada ay wado dowlada Federaalka iyo qorshooyinka amni darro oo ay maleegayaan Shabaab.

Waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia laga doonaayo inay ka faa’iideysato fursada hortaal, iyadoo la kaashanaayo dowladaha quwada leh ee aad uga soo horjeeda maleeshiyaadka Shabaab.

Dowladaha saaxiibada la ah Somalia ayuu sheegay inay aad u daneynayaan is garabtaaga dowlada iyo ka qeybqaadashada dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Madoobe waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ay u muuqato mid kasii caajiseysa dardarkii ay kula dagaalameysay Shabaab, waxa uuna ka digay hal qodob oo uu ku sheegay ”Ka mashquulida amniga”.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa farta ku goday in dowlafa Farmaajo ay shabihi doonto dowladii dhacday ee Xasan Sheekh, haddii ay dhacdo inay ka mashquusho amniga.

Dhinaca kale, Madoobe ayaa ku baaqay in howlgalada lagula dagaalamaayo Shabaab la gaarsiiyo dhammaan Gobolada dalka, si buu yiri loo soo afjaro awooda Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.