QORSHE: Inter Milan Oo Manchester United U Gudbisey In Martial Iyo Lacag Ay Isku Soo Darto Hadii Ay Perisic Dooneyso

QORSHE: Inter Milan Oo Manchester United U Gudbisey In Martial Iyo Lacag Ay Isku Soo Darto Hadii Ay Perisic Dooneyso

Kooxda reer Taliyaani ee Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay Manchester United weydiisatey macaquul ahaanshiyaha in Xiddigeeda Martial uu qeyb ka noqdey qorshaha ay Manchester ku dooneyso Perisic.

Xili ciyaareedkii hore wiilkan reer France ayaa ku soo bilowdey garoonka 28 kulan dhamaan tartamadda, taasoo ka dhigeysa in uu noqon waayo dooqa kowaad ee macalin Mourinho xili ciyaaredkiisi kowaad.

Si kastaba Manchester United ayaa la rumeysan yahay in Perisic uu yahay dooqyadooda ugu horeyey ee xagaagan, waxaase la rumeysanyahay in Inter Milan aysan xiddigan ku fashaxeyn lacag ka yer 48 Milyan oo ginni.

Sida Ay daabacdey Sport Italia, Inter Milan ayaa Manchester United u gudbisey qorshe ah Martial iyo 17.5 Milyan oo ginni in ay isku soo darto si ay u qaadato Perisic.

Laga soo bilaabo xiligii ay Manchester United Martial Monaco kaga soo iibsatey aduun lacageedka gaaraya ilaa iyo 55.7 Milyan ee Ginni, xiddigan ayaa shabaqa soo taabtey 25 goor 91 kulan oo uu saftey dhamaan tartamadda.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.