RASMI: CHelsea Oo Ku Dhawaaqdey Saxiixa Bakayoko, iyadoona……………..

RASMI: CHelsea Oo Ku Dhawaaqdey Saxiixa Bakayoko, iyadoona……………..

Kooxda reer England ee Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay soo gaba gabeysey saxiixa xiddiga qadka dhaxe kooxda As Monaco uga ciyaara ee Bakayoko.

22 sano jirkan reer Monaco ayaa lagu soo waramayaa in uu qalinka ku duugey heshiis waqtigiisu ku kacayo 5 sanadood, iyadoona la sheegayo in lagula soo wareegey aduun lacageed gaaraya ilaa iyo 40 Milyan oo ginni.

XIddigaan ayaa waxaa uu ku wanaagsanyaahy ka ciyaarista qadka dhaxe ee daafaca, isagoo wacdaro ka dhigey sanadkii hore horyaalka France iyo weliba koobka horyaaladda yurub.

Manchester United ayaa aheyd kooxdii dagaalka ugu badan Chelsea kugula jirtey saxiixa xiddigaan, balse ugu danbeyn waxaa uu doortey ku biirista Chelsea.

Leave a Reply

Your email address will not be published.