Al-Shabaab oo afduubtay Shaqaale Samafal xili ay ku sugnaayen deegaan hoostaga gobolka Baay

Al-Shabaab oo afduubtay Shaqaale Samafal xili ay ku sugnaayen deegaan hoostaga gobolka Baay

Todobo ruux oo shaqaale ka ahaa hay’ad ka howgaleysay Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in lagu afduubtay gudaha gobolka Baay.

Shaqaallahan la afduubtay oo dhamaantood ahaa Soomali ayaa lagu kala sheegay Afar Dumar ah iyo saddex Rag ah kuwaa oo ka soo anbabaxay degmada Buurhakaba iyaga oo ku soo jeeday magaalada Baydhabo.

Lama oga ilaa iyo hadda cida ka danbeysan afduubka shaqaalaha, laakiin warar ayaa sheegaya in halka lagu afduubtay Shaqaalahaasi ay ka taliyaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta u sheegay in ay waddaan dadaallo kala duwan oo lagu badbaadinaayo Shaqaalahaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.