DIGNIIN: Rooney Oo Digniin Culus Hawadda U Soo Mariyey Lukaku, Isagoona……………

DIGNIIN: Rooney Oo Digniin Culus Hawadda U Soo Mariyey Lukaku, Isagoona……………

Romelu Lukaku ayaa awood u leh inuu noqdo xiddig ka tirsan kooxda Manchester United, laakiin cadaadis iyo tijaabo adag ayuu wajihi doonaa, sida uu aaminsan yahay Wayne Rooney.

Wayne Rooney ayaa uga digay Romelu Lukaku kooxda Manchester United, waxaana uu ugu baaqay ugu horeyn xoog maskax uu la yimaado hadii uu doonayo inuu guul ka sameeyo kooxda Manchester United.

United ayaa Lukaku kaga soo qaadatay kooxda Everton lacag £ 75m isniintii lasoo dhafay, weeraryahanka ayaana u saxiixay heshiis shan sano ah kooxda, isagoo xitaa heysta xulashada sannadka lixaad.

Rooney ayaana dib ugu laabtay Goodison Park, 13 sano ka dib markii uu ka tagay Old Trafford, halkaas oo uu ka noqday xidddiga ugu goolasha badan kooxda.

Rooney, oo 31 jir ah, ayaa aaminsan in Lukaku uu leeyahay awood uu ugu guuleysan karo kooxda Jose Mourinho, laakiin waa inuu ka fogaado wax kasta oo shaki ku keeni kara awoodiisa ayuu yiri.

“Inaand u ciyaarto Manchester United waa wax cajiib ah,” Rooneyayaa yiri kadib markii uu gool qurux badan u dhaliyay Everton oo garaacday kooxda Gor Mahia.

Leave a Reply

Your email address will not be published.