Meydka wiil yar oo ay soo tuftay Badda oo la geeyay Xarunta CID

Meydka wiil yar oo ay soo tuftay Badda oo la geeyay Xarunta CID

Taliyaha Saldhiga Degmada Xamar weyne ayaa sheegay in Xeebta Degmada Xamar weyne laga soo qaaday maydka wiil yar oo badda ay soo tuftay.

Xasan Duulane Xersi ayaa sheegay in ciidamada ay soo heleen maydka wiilkaasi oo da’diisa ay ku qiyaaseen 10 sano, wuxuuna intaasi ku daray maydka inuu yaalo xarunta CID.

Xasan Duulane Xersi ayaa intaasi ku daray in cidii uu ka maqan yahay wiilkaasi ay tagi karaan Xarunta Dambi Baarista CID.

“Qofkii uu ka maqan yahay wiilkaasi maydkiisa Booliska ayaa gacanta ku haayo Finijeer ayaan galinay, CID ha tagaan Waalidiinta caruurta ay ka maqan yihiin.” Ayuu yiri Taliyaha.

Caruur badan ayaa badda si dhuumasho ah ku tago, kuwaasi oo badda ay qaado xilliyada qaarkood.

Leave a Reply

Your email address will not be published.