Roma Oo Xiddig Muhiim Ah Suuqa Ka Soo Qaadatey, Isagoona…………….

Kooxda AS Roma ayaa si rasmi ah ug dhawaaqday heshiiska Cengiz Under oo ay ka keensadeen Istanbul Basaksehir oo ay ka siisteen €13.4m iyo bareemiyo. “Waan ku faraxsan ahay inaan halkan joogo oo aan weliba higsanayo inaan safka hore kasoo muuqdo sida ugu dhaqsaha badan.” ayuu yiri.

Laacibkan khad dhexe weerarka ah ayaa fiidnimadii Jimcaha kasoo degey Roma – taasoo ahayd maalintii uu jirsadey gugii 20aad – isagoo haatan caafimaadka ku baasay, isla markaana saxiixay qandaraas 5 sanadood ah.

“Waxaan ku faraxay kulankii na dhex maray aniga iyo taageerayaasha.” ayuu yiri wiilkan soo baxaya ee reer Turkey.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.