SUUQA:Maxaad Kala Socotaa Sheekadda Mahrez Iyo Roma (War Ayaan Idinkaga Wadnaa)

SUUQA:Maxaad Kala Socotaa Sheekadda Mahrez Iyo Roma (War Ayaan Idinkaga Wadnaa)

Kooxda AS Roma ayaa isha la raacaysa jookarka Leicester City ee Riyad Mahrez, balse diyaar uma aha inay bixiyaan €50m (£43.7m) oo ay dalbanayaan Dawacooyinku.

Sida ku dhigan Mediaset Premium, kooxda Giallorossi ayaa horraanba heshiis shakhsi ah la gaartey 26-jirkan, oo sanadkii tegey noqday laacibkii sanadka ee Premier League Player of the Year.

Yeelkeede, caqabadi waxay ka joogtaa dalabka Leicester oo doonaysa €50m, qiyaastii £43.7m oo gini, balse Roma ayaa wax ku doonaysa €30m, iyadoo ay Gunners sidoo kale laacibka doonayso.

Laacibkan caalamiga ah ee reer Algeria ayaa dalkiisa 8 gool u dhaliyay 32 kulan oo uu saftay, isagoo badanaa ka dheeli kara garabka midig ee weerarka waana nin ku habboon beddelka Mohamed Salah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.