UGU DANBEYN: Alexis Sanchez Oo Cadeeyey Mustaqbalkiisa Arsenal (Miyuu Tagayaa Mise Wuu Joogayaa??)

UGU DANBEYN: Alexis Sanchez Oo Cadeeyey Mustaqbalkiisa Arsenal (Miyuu Tagayaa Mise Wuu Joogayaa??)

weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez ayaa si maldahan u sheegay inuu doonayo inuu kooxda ka tago, madaama uu raadinayo koox ciyaareysa tartanka Champions League.

Sanchez ayaa hadda ku jira sanadkii ugu dambeeyey ee heshiiska uu kula joogo kooxda ku ciyaarta Emirates Stadium, waxaana si xoogan loola xiriirinaayey inuu u dhaqaaqo kooxda Manchester City.

City ayaa usoo bandhigtay xididgaan mushaar dhan £ 400,000 todobaadkii, taasoo ka dhigan inuu aqbali karo qorshaha macalin Pep Guardiola.

28-sano jirkaan ayaa ka tagi doona kooxda Arsenal oo ku fashilantay xili ciyaareedkaan in ay usoo baxdo tartanka Champions League.

“Go’aanka aan sameeyey jawaabtiisa waxaan ka sugayaa Arsenal, ” Sanchez ayaa u sheegay suxufiyiinta Chile, sida laga soo xigtay Daily Express.

“Waxay ku xiran tahay iyaga inaan baxo iyo inaan sii joogo, waxa ay doonayaan waa muhiim in aan dhageysto, laakiin fikrad ahaaan waxaan doonayaa inan ciyaaro Champions League iyo inaan ku guuleysto ayuu yiri Sanchez.

Maalintii shalay, Arsene Wenger ayaa sheegay in ay wax wada hadal meel wanagsan maraya la sameeyeen Sanchez, waxaana macalinka reer France uu cadeeyay in ay fariin qoraal ku hadleen weeraryahanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.