WARBIXIN: Kadib Markaad Warkaan Akhriso Soo Lama Dhihi Karo De Gea Waxaa Uu Ku SIi Jeedaa Real Madrid

WARBIXIN: Kadib Markaad Warkaan Akhriso Soo Lama Dhihi Karo De Gea Waxaa Uu Ku SIi Jeedaa Real Madrid

Goolhayaha Manchester United David de Gea ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo ku biirista kooxda Real Madrid xagaagan.

De Gea ayaa lala xiriirinayay kooxda heysata horyaalka Spain iyo kan Yurub sannadihii la soo dhaafay, waxaana uu qarka u fuulay inuu dhameystirto u dhaqaaqista kooxda sannadkii 2015 ka hor inta uusan burburin heshiiska daqiiqadihii ugu dambeeyay.

Madaxweynaha Madrid Florentino Perez ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu la soo wareego De Gea, inkastoo Tababaraha kooxda Los Blancos Zinedine Zidane uu sheegay in uu ku faraxsan yahay goolhayihiisa Keylor Navas.

United ayaa la filayaa in ay ka diido dalbkasta oo ka yimaada Real Madrid, laakiin Don Balon ayaa sheegtay in ciyaaryahanka qudhiisa uu xiiseynayo inuu ku biro Madrid.

De Gea ayaa la wariyay inuu u sheegay wakiilkiisa Jorge Mendes inuu la hadlo Real Madrid, taasoo albaabka u fureysa Navas oo bartilmaameed u ah kooxda Paris Saint-Germain.

De Gea ayaa 269 kulan u saftay United tan iyo markii uu yimid sanadkii 2011, waxaana uu ka caawiyay kooxda in ay ku guuleysato toddoba koobab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.