XAQIIQO: Macalin Mourinho Oo Xaqiijiyey In Kooxdiisa Ay 4 Xiddig Dhaawac Uga Maqnaan Doonaan Ilaa 2018-ka (Tolow Waa Kuwee??)

XAQIIQO: Macalin Mourinho Oo Xaqiijiyey In Kooxdiisa Ay 4 Xiddig Dhaawac Uga Maqnaan Doonaan Ilaa 2018-ka (Tolow Waa Kuwee??)

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa qiray in uusan filaynin in xiddigaha Marcos Rojo, Ashley Young iyo Luke Shaw ay taam ahaansho buuxa heli doonaan illaa dhammaadka sanadkan.

Saddexdaan ciyaaryahan ayaa dhaawacyo ku seegay dhammaadka xilli ciyaareedkii dhammaaday, laakiin waxa ay ku jireen kooxda Man United ee isdiyaarinta xilli ciyaareedka cusub ku guda jirta ee haatan ku sugan dalka Mareykanka, inkastoo tababaraha reer Portugal uu ka wal-walsan yahay in xiddigahan ay si buuxda oo dhaqso badan uga soo laabtaan dhaawacyadooda.

Sida ay warinayso Manchester Evening News, Mourinho ayaa sidoo kale ka hadlay taam ahaanshaha Zlatan Ibrahimovic, laakiin 35 sano jirkaan ayaa ka mid ah saddex ciyaaryahan oo ay Man United iska fasaxday.

“Waxaan haysannaa ciyaaryahanno ka tirsan kooxda, laakiin aan ciyaari karin saddexda ama afarta bilood ee soo socda” ayuu yiri Mourinho.

“Marcos Rojo, Ashley Young, Luke Shaw, haddii Zlatan sii joogo waxaan leennahay saddex ama afar ciyaaryahan oo keliya, kuwaasoo illaa dhammaadka sanadkan dib ugu soo noqon kara kubadda cagta.” ayuu macallinka reer Portugal ku daray hadalkiisa.

Rojo ayaa dhaawac xun oo jilibka ahi ka soo gaaray lugtii labaad kulan Europa League oo ay la ciyaareen kooxda Anderlecht bishii May, halka Young uu la dhibtoonayo dhaawac muruqa ah oo soo gaaray dhammaadka xilli ciyaareedkii 2016/17.

Leave a Reply

Your email address will not be published.