Xildhibaan Xiddig oo ka hadlay dhibaatada ay ciidamada ku qabaan Mushaarka

Xildhibaan Xiddig oo ka hadlay dhibaatada ay ciidamada ku qabaan Mushaarka

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegayaa haddii la doonaayo suggida ammaanka Magaalada Muqdisho inay muhiim tahay in ciidamada loo kordhiyo amniga.

Xidig wuxuu sheegay ciidamada inaysan qaadan mushaar ku filan baahidooda, isaga oo intaasi ku daray askari kasta inuu qaato lacag dhan $100 taasina aysan ku filnayn noloshiisa.

Wuxuu sheegay Shaqaalaha dowladda inay qaataan mushaaraad badan, gaar ahaan shaqaalaha rayidka, laakiin ahmiyada amniga dalka haddii la doonaayo in la bixiyo mushaar wanaagsan oo shaqaalaha ay qaataan.

“Wadankeena mudnaanta koowaad iyo labaad waa amniga, haddana amniga anaga ayaa indhaha ka tuureynaa, yaa amniga ilaaliya Madaxweyne miyaa ilaaliye, Wasiir miyaa illaaliya, Xildhibaan miyaa ilaaliya, Agaasime miyaa ilaaliya? Ciidamo ayaa illaaliya, maxaynu ciidamada u xaqiraynaa, waa kuma qofka maanta Somaliyed ee Somaliya jooga ee Boqol doolar isaga iyo xaaskiisa ku noolaan karo, maxaynu u oranaynaa ciidamada ayaan muhiimada siinaynaa, Shaqaalaha rayidka qofka (A) wuxuu qaataa Kun doolar iyo ka badan

(B) Wuxuu qaataa Todobo boqol iyo ka badan (C) wuxuu qaataa Afar boqol iyo ka badan waxayna ku jiraan Mukeyf Kobashiin ayeey cabaan gaari ayaa u yaal, Askariga furunta joogana waxaa la leeyahay Boqol doolar ha qaato ma suuragaleyso, haddii ay dhab tahay in amniga dalka aan ka hadalno oo ciidamada ay shaqeeyaan, Boolis, Nabad Suggida Asluubta inuu la mid noqdo ugu yaraan qof (C) oo lacag dhan Shan boqol oo doolar uu qaataa.” Ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

Ciidamada Dowladda ayaa mushaaraadka ay qaataan wuxuu yahay mid aanan ku filnayn xilligaan, maadaama askarta qaar ay leeyihiin xaasas iyo caruur.

Leave a Reply

Your email address will not be published.