DAAWO SAWIRADA: Qalabkii ay Shirkada Al-bayrak ku wareejisay maamulka Dekadda Muqdisho

DAAWO SAWIRADA: Qalabkii ay Shirkada Al-bayrak ku wareejisay maamulka Dekadda Muqdisho

Shirkadda Al-bayrak ayaa Dowladda Soomaaliya ku wareejisay qalab loogu tala galay Dekeda Muqdisho, kaasi oo isugu jira qalabka rarida iyo dejinta.

Qalabkan oo si gaar ah loogu wareejiyay Wasiirka Dekadaha Soomaaliya Maryan Aweys ayaa isugu jira Wiishas, agab lagu qaado xamuulka, Cagaf-cagaf iyo qalab kale.

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya Maryan Aweys oo warbaahinta kula hadashay gudaha Dekada ayaa waxa ay sheegtay qalabkan in uu muhiim u ahaa Dekada, wax badan uu ka tari doono.

Waxa ay sheegatay muhiim in ay aheyd qalabkan in mar hore la keeno, laakiin howlo badan oo jiray awgeed ay dib u dhaceen, balse wixii hada ka dambeeya lagu fududeyn doono shaqada Dekada.

Maryan Aweys ayaa u mahadcelisay shirkadda Albayrak, waxayna ka codsatay in ay kordhiyaan dadaalka ay wadaan oo ay ku hormarinayaan dib u dhiska dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.