DAAWO SAWIRADA: Ra’isal wasaaraha Canada oo qaabilay qoyska dhalay Canug yar oo lagu samiyay

DAAWO SAWIRADA: Ra’isal wasaaraha Canada oo qaabilay qoyska dhalay Canug yar oo lagu samiyay

Ra’isal wasaaraha dalka Canada, ayaa casuumaad u fidiyay qoyska dhalay wiilkii lagu samiyay ee loo bixiyay Justin Trudeau, kaasoo hadda ah labo bil jir.

Justin Trudeau ayaa xaflad uu soo qaban qaabiyay oo ka dhacday Calgary Stampede kula kulmay cunuga yar ee waalidkiisa kasoo barakaceen dagaalada Siiriya, kaasoo markii uu dhashay ay ugu magac dareen waalidkiisa Justin Trudeau maadaama ay dalka Canada ka heleen magangelyo.

Ra’isal Wasaare Trudeau madaarka kagama hor iman oo kuma soo dhawayn sidii qaxootigii kale ee Suuriya ka tagay.

Waalidka ilmahan yar dhalay oo lagu kala magacaabo Maxammed iyo Cafraa Bilan ayaa waxay mahad celin ugu dhigeen ra’iisul wasaaraha Canada in ay ugu magac daraan ama ku samiyaan wiilka yar ee ay dhaleen oo loo bixiyay Justin Trudeau.

Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa lagu xusuustaa sidii wanaagsaneyd ee uu usoo dhoweeyay qaxootiga Siiriya, isagoona garoonka ugu hortegi jiray qaxootiga soo gelaya Canada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.