DAGAAL: Maxaad Kala Socotaa Dagaalka Ay Inter Milan Iyo Juventus Isku Hayaan Ee Toni Kroos Ka Dhanka Ah???

DAGAAL: Maxaad Kala Socotaa Dagaalka Ay Inter Milan Iyo Juventus Isku Hayaan Ee Toni Kroos Ka Dhanka Ah???

Inter ayaa Real Madrid waydiinaysa helitaanka Toni Kroos, kaasoo ay sidoo kale horay u xiisaynaysay kooxda Juventus, sida ay faafinayso warbaahinta Talyaanigu.

Mediaset Premium iyo Corriere della Sera ayaa labaduba sida sheeko u dhigan in Kroos uu xagaagan iman karo Serie A, maaddaama aysan lama taabtaan u arkin kooxda Madrid.

Laacibkan 27-jirka ah ee reer Jarman ayaa qandaraas kula jira kooxda Cadcadka tan iyo Juunyo 2022 isagoo sanadkii ka qaata €8m oo euro, yeelkeede Inter oo doonaysa inay lacag farraqdo kaddib markii uu dhowr jeer cowday Luciano Spalletti ayaa doonaysa laacibkan.

Kooxda Real Madrid ayaa la sheegayaa inay laacibkan ku fasaxayso €70m, waloow ay taasi tahay lacag ay awooddo kooxda Inter oo ay iibsadeen Suning Group.

Laacibiinta kale ee ay Nerazzurri doonayso ayaa kala ah Radja Nainggolan iyo Arturo Vidal, waloow uu ninka hore u muuqdo mid sii joogi kara Roma.

Leave a Reply

Your email address will not be published.