Dowlada Ugandha oo Somalia usoo direysa ciidamo cusub iyo Saraakiil hor leh

Dowlada Ugandha oo Somalia usoo direysa ciidamo cusub iyo Saraakiil hor leh

Ciidamo ka socda dalka Ugandha ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay soo gaaran magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Ciidamadani ayaa la sheegay in lagu biirin doono ciidamo dhowr kun oo dowlada Ugandha kaga sugan magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka.

Ciidamadani oo ka tirsan Booliska Ugandha ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ugu diyaarsan Saraakiil ka tirsan Taliska ciidamada AMISOM, qeybtooda Booliska.

Ciidamada kusoo fool leh magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhex jira ilaa 13 Sarkaal oo hogaamin doona ciidamada, waxa ayna sidoo kale, bedeli doonaa Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Uganda oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Saraakiishan ayaa Ciidamada Booliiska dowlada kala Shaqeyn doona Sugida amniga dalka, gaar ahaan xarumaha dowlada.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Ugandha ayaa waxaa Somalia ka jooga ciidamo aad u farabadan kuwaa oo ku faafsan min Muqdisho ilaa Gobolada qaar.

Leave a Reply

Your email address will not be published.