Emmanuel Macron oo soo jeediyay in dib loo soo celsho wada xaajoodka Falastiin iyo Israel

Emmanuel Macron oo soo jeediyay in dib loo soo celsho wada xaajoodka Falastiin iyo Israel

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa waxa uu ku baaqay in dib loo bilaabo wada hadaladii nabadda ee Falastiiniyiinta iyo Israel, si loo helo buu yiri xal ku dhisan laba dal oo deris ah.

Madaxweynaha Faransiiska, ayaa sheegay in Faransiisku uu diidan yahay deegaamaynta ay Israel ka wado dhulka Falastiiniyiinta, ee ay xoogga ku haysato.

Madaxweynaha oo Axadii ka barbar hadlayay Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo shir jaraa’id ay ku wada qabteen Magaalada Paris, ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la xushmeeyo shuruucda caalamiga.

Madaxweyne Macron, ayaa ku celceliyay in xalka Israel uu ku jiro, in la helo laba wadan oo deris ah, oo nabad ku wada nool.

Benjamin Netanyahu, Ra’iisal Wasaaraha Israel, ayaa dhankiisa sheegay in kooxaha Islaamiyiinta ay doonayan inay burburiyan buu yiri Israel iyo Yurub.

Ra’iisal Wasaare Netanyahu, ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Macron sida uu uga soo horjeedo Yahuud naceybka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.