IS AFGARAD: Kooxaha Manchester United Iyo Inter Milan Oo Isku Afgartey Heshiiska Perisic, Iyadoo………….

IS AFGARAD: Kooxaha Manchester United Iyo Inter Milan Oo Isku Afgartey Heshiiska Perisic, Iyadoo………….

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay kooxda Inter Milan kala heshiisay qiimaha xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Croatia ee Ivan Perisic.

Man United ayaa ogolaatay in ay miiska saarto lacag dhan 45.7 Milyan euro si ay 28 jirkan reer Croatia ula wareegto inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Wargayska The Sun ayaa haatan sheegaya in uu perisic hatan isku diyaarinayo in uu u duulo America si uu ugu biiro xiddiga man United ee halkaas ku qaadanaya kulama isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Xiddigan oo wakhti hore heshiiska shaqsiga ah la gaaray kooxda Man United ayaa la filyaa in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda Man United maalmaha yar ee soo socda.

28 jirkan ayaa lala xiriirinayay Red Devils ilaa bishii hore waxana uu dhowr jeer maamulka kooxdiisa Inter U sheegay doonitaankiisa ku aadan in uu ku biiro kooxda man United.

Leave a Reply

Your email address will not be published.