RASMI: XIddig Muhiim U Ahaa Liverpool Oo Roma Gaarey Si Uu Lazio Ugu BIiro (Tolow Waa Kee??)

Lucas Leiva xiddiga qadka dhaxe xulka Brazil iyo kooxda Liverpool uga ciyaara ayaa soo gaaray caasimada Italy ee Roma si uu u dhamaystiro ku biiristiisa kooxda Lazio.

xiddigaan Lucas Leiva ayaa kooxda ka dhisan caasimada ugu biiri doona lacag dhan 5.5 Milyan euro xiddigan oo saxaafada la hadlay markii uu madaarka soo gaaray ayaa yiri”Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan halkan yimaado. Forza Lazio!”

Xiddiga reer Brazil ayaa fiidnimadii soo gaaray madaarka Fiumicino Airport waxana soo dhaweeyay taageerayaal badan oo dabaal degaya.

Lucas ayaa qoorta ku watay maro ku sawirantahay calaamada kooxda uu ku biiri Lazio xilli xiddigan maalinta bari ah tijaabada caafimaadka u mari doono kooxdiisa cusub.

30 jirkan reer Brazil ayaa ah badalka Lucas Biglia oo saacadihii la soo dhaafay si Rasmi ah ugu biiray kooxda Ac Milan isaga oo ugu biiray lacag dhan 17.3 Milyan eeuro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.