SUUQA: Maxaad Kala Socotaa Qorshaha Arsenal Ee Suuqa Kala Iibsiga?? (War Muhiim Ah AYaan Idinkaga Wadnaa)

SUUQA: Maxaad Kala Socotaa Qorshaha Arsenal Ee Suuqa Kala Iibsiga?? (War Muhiim Ah AYaan Idinkaga Wadnaa)

Kooxda reer England ee  Arsenal ayaa la sheegayaa inay la heshiisey laacibka AS Monacoiyo France ee Thomas Lemar.

Lemar wuxuu ku biirayaa kooxda Arsenal oo mudaba daba socotey, iyadoo uu Lemar si gaar ah u raadinayay macallin Arsene Wenger In ka badan xitaa Kylian Mbappé.

Qiimaha lagula heshiiyay garabkan oo ku dhashay Guadeloupe sanaddii 1995-kii, ayaa gaaraysa ilaa £48 milyan oo gini iyo weliba bareemiyo iyadoo marka dambe gaaraysa ilaa  £53 milyan oo gini.

Heshiiska ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo marka ay Arsenal kasoo laabato Australia iyo China, iyadoo sida la sheegayo ay AS Monaco dalbatay in aan laacibka caafimaad la marsiinin inta ay biddaalkiisa ka helayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.