SUUQA: Maxaad Kala Socotaa Qorshaha Ay Ac Milan Ku DOoneyso Renato Sanches (War AYaan Idinkaga Wadnaa)

SUUQA: Maxaad Kala Socotaa Qorshaha Ay Ac Milan Ku DOoneyso Renato Sanches (War AYaan Idinkaga Wadnaa)

Kooxda AC Milan ayaa lasoo sheegayaa in ay wadahadalo la furtay xiddiga khadka dhexe kaga ciyaara kooxda Bayern Munich ee dalka Germany Renato Sanches.

19 jirkaan ayaa ku guuldareystay in uu wax gool ah udhaliyo kooxdiisa tan iyo markii uu kusoo biiray xilli ciyaareedkii dhammaaday.

Waxaa la cadeeyay in uu xiddigaan rabo in uu isaga tago garoonka ay ku ciyaarto kooxda Bayern ee Allianz Arena.

Sida uu sheegayo Sky Sport News kooxda AC Milan ayaa dooneysa in ay xiddigaan ku qaadato qaab amah ah, isla markaana ay si joogta ah ugula wareegto 35 million marka uu dhamaado xilli ciyaareedka 2017-2018ka .

Kooxda Milan oo ay iibsatay shirkad laga leeyahay China waxa ay lasoo wareegeen ciyaartooyda kala ah  Fabio Borini, Franck Kessie, Ricardo Rodriguez, Mateo Musacchio, Hakan Calhanoglu, Andrea Conti, Andre Silva, Leonardo Bonucci iyo Lucas Biglia.

Leave a Reply

Your email address will not be published.