Tiemoue Bakayoko Oo Ka Hadley Dareenkiisa Ku Aadan In Uu Kante Ka Garab Ciyaaro!!

Tiemoue Bakayoko Oo Ka Hadley Dareenkiisa Ku Aadan In Uu Kante Ka Garab Ciyaaro!!

Bakayoko saxiixa cusub ee kooxda CHelsea ayaa waxaa uu sheegey in uu sugi la’yahay ka garab ciyaarista xiddiga ay isku dalka yihiin ee N’golo Kante.

Kooxda reer England ee CHelsea ayaa waxaa ay todobaadkan la soo saxiixatey wiilka reer France ee As Monaco ninka lagu magacaabo Bakayoko kaa oo ay ku soo qaadatey aduun lacageeclagu sheegey ilaa iyo 40 Milyan oo ginni.

Haddaba Bakayoko ayaa sheegey in uu aad ugu faraxsanahay in uu Chelsea ku soo biiro, isagoo sidoo kale sheegey in uu sugi la’ yahay ka garab ciyaarista wiilka ay isku dalka yihiin ee Ngolo Kante.

” RUn ahaantii waa xiddiga ugu wanaagsan horyaalka Ingriiska, in aan ka garab ciyaarana waa ii farxad” ayuu yiri Bakayoko.

CHelsea ayaa Kante xagaagii hore kala soo wareegtey dhanka kooxda Leicester City oo uu la qaadey horyaalka Ingriiska isagoo sidoo kale la qaadey chelsea markii uu yimid.

Leave a Reply

Your email address will not be published.