VIctor Lindelof Oo Xog Badan Oo Manchester United AH Bixiyey (Tolow Maxay Tahay???)

VIctor Lindelof Oo Xog Badan Oo Manchester United AH Bixiyey (Tolow Maxay Tahay???)

Victor Lindelof daafaca dhawaan galka ah ee kooxda Manchester United ayaa waxaa uu ka hadley sida uu kooxdiisa u arko kadib markii uu kulankiisi ugu horeyey u saftey.

Manchester United ayaa todobaadkan la ciyaartey kooxda LA Galaxy iyadoo ay ku badiyeen tiro goolal ah oo gaaraya ilaa iyo 5gool, xili uu Lindelof saftey kulankiisi ugu horeyey.

Haddaba Lindelof ayaa sheegey in uu aad ula dhacsanyahay kooxdiisa, isagoo intaa ku daray in uu doortey koox uu weligiisba ku haminayey ku biiristeeda.

” aad iyo aad baan dhab ahaantii ugu raaxeysanayaa kooxdeyda, waxaana rabaa inaan idinla wadaago in kooxdani tahay kooxdii igu habooneyd” ayuu yiri Lindelof.

Manchester United ayaa suuqa kala iibsiga xagaagan aad ugu jirta, iyadoona la soo saxiixatey ilaa iyo iminka laba xiddig kuwaa oo kala ah Lukaku iyo Lindelof.

Leave a Reply

Your email address will not be published.