Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo digniin kasoo saaray in la dhaeysan waayo go’aanka dib doorashada loogu celinaayo Kuraasta 8 Xildhibaan

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo digniin kasoo saaray in la dhaeysan waayo go’aanka dib doorashada loogu celinaayo Kuraasta 8 Xildhibaan

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dhaqan geliyo go’aankii ka soo baxay Maxkamada Sare in lagu laabto 8 Kursi oo ka mid ah Kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waxa uu sheegay in aysan macquul ahayn in aan la dhaqan gelin oo aan la dhageysan go’aanada Muhiimka ah ee ka soo baxa Maxkamada Sare ee Dalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Baarlamaanka laga doonayo in ay tixgeliyaan oo ay maqlaan go’aanka Maxkamada ay gaartay dibna doorasho loogu celiyo Kuraansta ay tilmaantay Maxkamada ee Cadaalad darada iyo Musuqa ku soo baxay.

Waxa uu sheegay in Baarlamaanka laga doonayo hada in ay si shuruud la’aan ah ku fuliyaan go’aanka ka soo baxay Maxkamada Sare ee Dalka isla markaana ay sharciga ilaaliyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.