Ciidamada amaanka oo fashiliyay Qarax dhulka lagu aasay

Ciidamada amaanka oo fashiliyay Qarax dhulka lagu aasay

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saaka fashiliyay Miino la dhigay Jidka dhinaciisa kaddib markii ay wargelin ka heleen dadka degaanka.

Miinada ayaa lagu aasay Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaa degaanka KM13,halkaas oo ay dadweynaha iyo ciidanka aad u adeegsadaan.

Saraakiisha amaanka ee dowladda ayaa sheegay in dadka degaanka ay ku wargeliyeen Ciidamada amniga Miinada la geliyay sidaasna ay Ciidamada ugu suuragashay in Miinadaas ay ka saaraan Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxyada u  badan Miinooyinka ee ka dhaca waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa dhowr jeer ku waxyeelloobay Ciidamo ka mid ah Dowladda,Amisom iyo dad shacab ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.