XASAASI; Macalin Mourinho Oo Barcelona Runta Indhaha Ka Saarey, Isagoona U Sheegey In…………….

XASAASI; Macalin Mourinho Oo Barcelona Runta Indhaha Ka Saarey, Isagoona U Sheegey In…………….

Manchester United ayaa heshiis cusub la meel dhigtay Ander Herrera, xili ciyaaryahanka khadka dhexe dalab uu ka helay kooxda Barcelona.

Xiddiga caalamiga ah ee dalka Spain ayaa ku soo biiray United saddex sano ka hor markaasoo £28 milyan uu kaga yimid kooxda Athletic Bilbao.

Waxaa hadda kaliya 12 bilood uu ugu harsan yahay qandaraaskiisa kooxda Manchester United, iyadoo kiooxda wadahadal deg deg ah la bilowday ciyaaryahanka wakiiladiisa.

Tababare Jose Mourinho ayaa dareensan in Herrera bartilmaameed sare u yahay kooxda reer Spain ee Barcelona oo u aragta bedelka mudada dheer ee Andres Iniesta.

Madaxa fulinta kooxda Manchester United Ed Woodward, ayaa kula kulmay wakiilka Herrera Arturo Canales magaalada Washington intii lagu guda jiray safarka kooxda ee America, waxaana laga wada hadlay heshiis cusub oo uu saxiixo 27-sano jirkaan.

Herrera ayaa sheegay inuu doonayo sii joogista Old Trafford, ka dib markii uu kusoo baxay mid kamid ah ciyaartoyda ugu saameynta badan kooxda Jose Mourinho xilli ciyaareedkii hore.

Waxaa xitaa la saadaalinayaa inuu noqon doono Ander Herrera kabtanka kooxda Manchester United mustaqbalka dhaw.

Leave a Reply

Your email address will not be published.