Guddiga Gurmadka Abaaraha oo raashin u kala diray Gobolada (SAWIRRO)

Guddiga Gurmadka Abaaraha oo raashin u kala diray Gobolada (SAWIRRO)

Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaran ee dalka, ayaa maanta raashin u kala diray Maamul Goboledyada dalka ka jira iyo Gobolka Banaadir, kadib markii maanta Guddigaan ay tageen Dakadda Magaalada Muqdisho.

Maamul Goboledyada kala ah, Galmudug, Jubbaland, Puntland, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana maamulkasta loo diray raashin dhan 1,500 oo Tan.

Galmudug, Puntland iyo Jubbaland waxaa raashinka loo saaray Maraakiib gayn doona Magaalooyinka Boosaaso iyo Kismaayo, kadibna halkaasi laga sii qaadi doono.

Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Gobolka Banaadir ayaa raashinkaan waxaa loo marsiin doonaa dhulka, sida Guddiga ay sheegeen.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.