Alshabaab oo mar kale weerar culus ku qaaday Sheekh Mukhtaar Roobow

Alshabaab oo mar kale weerar culus ku qaaday Sheekh Mukhtaar Roobow

Ururka Al-shabaab ayaa mar kale waxa ay maanta weerar ku qaadeen degaanka Abal oo ka tirsan gobolka Bakool, halkaasi oo uu fariisin ku leeyahay Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Al-shabaab ayaa la sheegay in Ciidamo fara badan ay soo dhoobeen degaanka Abal, sidaasina ay weerarka ugu qaadeen Wadaadka, halkaasi waxaa labada dhinac ku dhexmaray Dagaal aad u xoogan.

Dagaalka dhexmaray ururka Al-shabaab iyo Maleeshiyaadka uu wato Sheekh Muqtaar ayaa la sheegay inuu socday mudo saacado ah, kaasi oo ka dhashay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, inkastoo khasaaraha si rasmi ah aan loo xaqiijin karin.

Masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa sheegay inay heleen macluumaad ku saabsan dagaalkaasi dhexmaray Shabaab iyo ciidamada Abuu Mansuur khasaaraha ka dhashay inta uu la eeg yahay.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degaankaasi ayaa waxa ay sheegayaan in Shabaabkii weerarka soo qaaday ay dib ugu laabteen degaanka Labaatan Jirow oo markii hore ay ka yimaadeen.

Al-Shabaab, ayaa Arbacadii dagaal culus ku qaaday Deegaanka Abal, oo uu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow Cali, ka dib markii uu ku gacan seyray in uu ururka dib ugu soo laabto.

Inta la xaqiijiyay Dagaalkii Arbacadii dhexmaray Maleeshiyaadka Sheekh Muqtaar iyo uruka Al-shabaab ayaa waxaa ku dhimatay ku dhowaad 20 Qof oo dhinacyadii dagaalamay ah, sidoo kale Dagaalka waxaa Gaari nuuca dagaalka ah looga gubay Abuu Mansuur.

Mareykanka ayaa dhawaan liiska waxa loogu yeero argagixisada wuxuu ka saaray Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ah hadda Sarkaal ka madax Banaan Ururka Al Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.