Dagaal culus oo goordhow ka dhacay deegaan hoostaga Gobolka Hiiraan

Dagaal culus oo goordhow ka dhacay deegaan hoostaga Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya degmada Farlibaax ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ka yimid Magaalada Baledweyne ay jidka u galeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaal  socday muddo saacaddo ah ayaa halkaasi ka dhacay sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan.

Inta la xaqiijiyay dagaalkaasi waxaa ku dhintay ku dhawaad 6 qof oo ah labadii dhinac ee dagaalku dhexmaray.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa waxa ay sheegeen in ay iska caabiyeen dagaalyahanadii Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday.

Farlibaax ayaa dhawaan Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle waxaa uu u magacaabay degmo, waxaana ciidamada dowladda ay isku diyaarinayaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada hoos yimaada Farlibaax.

Leave a Reply

Your email address will not be published.