Top News: Xiddiga Ay Barcelona Dooneyso Ee Ousmane Dembele Oo Ay Kooxdiisa Dortmund Ganaaxdey (Maxaa Lagu Ganaaxey??)

Top News: Xiddiga Ay Barcelona Dooneyso Ee Ousmane Dembele Oo Ay Kooxdiisa Dortmund Ganaaxdey (Maxaa Lagu Ganaaxey??)

Kooxda kubada Cagta Borussia Dortmund ee dalka jarmalka ayaa shaacisay in ay Ganaaxeen Cayaaryaahnkooda Ousmane Dembele kaas oo amar la aan ka baxay Tababarka kooxda Khamiistii la soo dhaafay.

Macalinka cusub ee Naadiga Borussia Dortmund Peter Bosz oo Saxaafada lahadlay in Xiddiga 20 sano jirka ah ee Ousmane Dembele lagu Ganaaxay in uusan mudo Todobaad ah ka qayb qaadan Tababarka kooxda isla Markaana aan lasiin Todobaadkaas wax Mushaar ah waxaana lagu eedeeyey in uu Sameeyey amar diido kana baxay Tababarka kooxda.

Ousmane Dembele oo bartilmaameed u ah kooxda Barcelona oo u dooneysa badalka Neymar ayaa kooxdiisa Borussia Dortmund  waxa ay diidey €130m oo ay u soo bandhigtay kooxda dalka Spain oo uu doonayo wiilka dalka France in laga iibiyo waana mida keentay ayaa la leeyahay in uu ka gadoodo Tababarka kooxdiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.