UGU DANBEYN: Liverpool Oo Xaaladda Coutinho Warkii Ugu Danbeyey Ka Soo Saartey (Miyuu Tagayaa Mise Wuu Joogayaa??)

UGU DANBEYN: Liverpool Oo Xaaladda Coutinho Warkii Ugu Danbeyey Ka Soo Saartey (Miyuu Tagayaa Mise Wuu Joogayaa??)

Milkiilayaasha naadiga Liverpool Fenway Sports Group, ayaa ugu dambeyn dhinac u riday sheekada xiddigooda Philippe Coutinho oo ay sheegeen inaan xitaa lagu iibineyn 100 milyan isla markaana uu sii joogi doono kooxda.

Liverpool ayaa diiday labo dalab oo kaga yimid Barcelona oo ku kala kacaya 72 milyan iyo 90-milyan oo bound, iyadoo uu tababare Jurgen Klopp shalay u sharaxay Sky Germany inaysan jirin beeso ku qancin karta inay iska iibiyaan kubbad qaabeeyahooda reer Brazil.

Milkiilahaasha Fenway Sports Group ee ka kooban Madaxa milkiilaha John W Henry, guddoomiyaha Tom Werner and madaxa ciyaaraha Mike Gordon ayaa iminka soo afjaray rajada Barcelona iyagoona bayaan cad ka soo saaray mustaqbalka Coutinho.

 

“Waxaan rajeynaynaa inaan caddeyno booskeena ku aadan heshiiska suuro galka uu kooxda kaga tagayo Philippe Coutinho,” Warbixinta ayaa sidaa lagu bilaabay.

“Moqifka kama dambeysta ee kooxda waa inaan la tix galin doonin ama laga fikiri doonin dalabyada ku aadan Coutinho , wuxuuna sii ahaan doonaa xibin ka tirsan kooxda Liverpool marka uu xirmo suuqa xagaaga.”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.