Weerar ismiidaamin ah oo ka dhex dhacay Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho

Weerar ismiidaamin ah oo ka dhex dhacay Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan Qarax nuuciisa uu yahay Ismiidaamin, kaasi oo ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar.

Qaraxan oo dhacay markii ay soo dhaweyd Tukashada Salaadii Jimcaha ee maanta ayaa si weyn looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Qof ka howlgala gudaha xabsiga dhexe ayaa inoo sheegay Qaraxa in uu fuliyay nin naftiis hure ah, kaasi oo doonayay in uu isku Qarxiyo gudaha Masjid ku yaalla halkaasi, balse markii Ciidamada ay celiyeen uu ku Qarxay Masjidka hortiisa.

Masjidka iridkiisa uu Qaraxa ka dhacay ayaa inta badan waxaa ku tukada Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Inta la xaqiijiyay Qaraxaasi waxaa ku geeriyootay Laba Qof oo kala ah ninkii is Qarxiyay iyo waliba Askarigii hor istaagay Ismiidaamiyaha.

Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Liibaan Cali Yarow, ayaa maalin kasta oo Jimcaha ah maxaabiista Salaadda Jimcaha kula tukada Masaajidka Xabsiga Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.