XASAASI: Arsenal Oo Arintii ugu Cusleyd Sameyneysa Si Ay Sanchez U Celiso (Maxay Sameyneysaa Tolow??)

XASAASI: Arsenal Oo Arintii ugu Cusleyd Sameyneysa Si Ay Sanchez U Celiso (Maxay Sameyneysaa Tolow??)

Arsenal ayaa la warinayaa inay Alexis Sanchez hor dhigtay dalab uu usbuuciiba mushaar ahaan ugu qaadanayo adduun dhan 300,000 bound.

Gunners ayay ka go’an tahay in dhaliyaheeda ay ka ceshato kooxaha Manchester City iyo Paris Saint-Germain oo laacibka u soo suxul duubanaya.

MailOnline ayaa warineysa in weeraryahanka reer Chile uu doonayo ugu yaraan 300,000 usbuucii ka hor inta uusan xitaa ku fikirin inuu sii joogayo gegad Emirates.

Saas ay tahay weli ma jirto tusmo muujineysa inuu xitaa aqbali doono dalabkaasi qaaliga ah.

Tababare Arsene Wenger ayaa isagu aad ugu adkeysanaya inuu laacibkiisa sii xafidan doono isagoona diiday inuu aqbalo in laacibka la iibiyo xagaagan.

Yeelkeede, 28 jirka ayaa waxaa qandaraaskiisa uga harsan hal sano oo qura.

Sanchez ayaa caawa seegi doona kulanka furitaanka Premier League ay Gunners mininkooda ku marti galinayaan Leicester City sababo dhaawac oo dhanka caloosha ah waxaana sidoo kale shaki laga muujinayaa kulanka labaad ay u safri doonaan Stoke City.

Leave a Reply

Your email address will not be published.