XASAASI: Maxaad Kala Socotaa Sheekadda Cusub Ee Dybala Real Madrid (War Muhiim Ah Ayaan Idinkaga Wadnaa)

XASAASI: Maxaad Kala Socotaa Sheekadda Cusub Ee Dybala Real Madrid (War Muhiim Ah Ayaan Idinkaga Wadnaa)

Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa qorsheenayo inuu Paulo Dybala gacanta kusoo dhigo sidoo kalena saxiixa xidigaan ku garaaco naadiga Barcelona.

Sida shabakada Dan Ballon soo daabacday Real ayaa kulan qarsoodi ah la qaadatay La Joya iyo wakiilkiisa waxayna kala hadleen sida uu Bernabua ku imaan lahaa bishaan gudaheeda.

Real Madrid waxay quus ka taagan tahay heli taanka Kylian Mbappe madaama uu cayaaryahan doortay inuu kooxda PSG ku biiro.

Sidaa darteed Madrid waxay xooga saari doontaa soo xero galinta Dybala oo sidoo kalena Barcelona saxiixiisa baadi goob ugu jirto.

Inkastoo Dybala oo 23-jir ah maalintii shalay ahayd lambarka 10-aad ee Juve la siiyay hadana kama dhigno laacibkan in Turin sii joogi doono.

Warar hoose ayaa sheegayaan in Real Madrid dalab 150-milyan euro ah u gudbiso Juve oo ay ku kalsoon tahay in lacagtaas ku heli karto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.