Dowlada Qadar oo si adag uga hadashay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Dowlada Qadar oo si adag uga hadashay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Dowladda Qatar ayaa si kulul uga hadashay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay iridka Masjid ku dhexyaala xabsiga dhexe ee Xamar, kaasi oo dilay Askarigii ka hortagay Ismiidaamiyaha iyo ninkii is Qarxiyay khudiisa.

Nin xirnaa suunka walxaha qarxa ka samaysan, ayaa waxaa la sheegay in uu isku qarxiyay barxadda Xabsiga Dhexe, oo ku dhow Masaajidka ay ku tukadaan Saraakiisha Ciidanka Asluubta, shaqaalaha iyo maxaabiista.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Qatar war qoraal ah oo ka soo baxay waxaa lagu sheegay in ay si aad ah u cambaareyneyso weerarkaasi, waxayna sheegtay weerarkan in uu ahaa mid Argagixisanimo, maadaama lagu qaaday Masjidka oo cibaadada Alle ay ku gutaan dadka islaamka ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku celisay sida ay ula socoto Jamhuuriyadda Soomaaliya dhammaan tallaabooyinka loo qaaday si loo ilaaliyo amniga iyo xasiloonida, waxaa sidoo kale qoraalkan lagu muujiyay rabitaanka Qatar ee ah in si deg-deg ah loo kabo dhibbanayaasha dhaawacmay.

“Qatar marna uma dulqaadaneyso rabshadaha iyo Argagixisanimada laga geysto Soomaaliya gaar ahaan goobaha cibaadada iyo meelaha ay isugu yimaadaan dadka raydika ah, waxaana mar walba garab taaganahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed”. Ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka ka soo baxay Qatar.

Ugu dambeyntii Dowladda Qatar ayaa sheegtay Xukuumadda Soomaaliya iyo Ehelada dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi in ay uga tacsiyadeyneyso, waxayna shacabka Soomaaliyeed ka codsatay in ay mar walba la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.