FALANQEYNTA Kulanka Xamaasada Badan Ee Kooxaha Liverpool Vs Watford (Saxaafadu Maxay Kulankan Ka Tiri??)

FALANQEYNTA Kulanka Xamaasada Badan Ee Kooxaha Liverpool Vs Watford (Saxaafadu Maxay Kulankan Ka Tiri??)

Liverpool ayaa waxaa ka maqnaan doona Philippe Coutinho kulanka furitaanka Premier League oo ay kula ciyaarayaan kooxda Watford garoonka Vicarage Road galabta.

Coutinho ayaa hogaaminaya liiska ciyaartoyda dhaawac ah ee ka maqan kooxda Reds oo dooneysa in ay si wanaagsan ku bilaabato xili ciyaareedka cusub.

Liverpool ayaa diiday inay aqbasho dalab ay ku iibineyso ciyaaryahanka, laakiin warar la isla dhex marayay ayaa sheegaya in 25 jirkaan uu codsaday in laga fasaxo kooxda.

Dhanka kale, saxiixa rikoorka ah ee kooxda Watford Andre Gray ayaa safan kara kulankiisii ugu horeeyay, iyadoo shaki laga qabo ciyaartaan Troy Deeney oo qaliinka lagu sameeyay.

Kabtanka kooxda ayaa tijaabo la marsiin doonaa ka dib markii uu dalbaday inuu ciyaaro kulankiisii ugu horeyay ee kooxda macalin Marco Silva.

OGEYSIISKA CIYAARTA

Saacada:  2.30pm

Garoonka: Vicarage Road

Garsoore:  Anthony Taylor

MAXAA CUSUB?

Craig Cathcart ,Christian Kabasele iyo Mauro Zarate ayaa dhamaan dhaawac kaga maqan kulanka furitaanka Premier League kooxda Watford.

Coutinho ayaa ku soo biiray safaka dhaawaca kooxda Liverpool ee uu hogaaminayo Daniel Sturridge, ciyaryahanka reer Brazil ayaa seegi doona kulanka ka dhacaya galabta Vicarage Road.

Adam Lallana iyo Nathaniel Clyne ayaa sidoo kale maqnaan doona, halka Danny Ings oo ka dhaawacan jilibka shaki weyn laga qabo ciyaarta Liverpool iyo Watford.

Saxiixyada cusub ee Liverpool Mohamed Salah, Dominic Solanke iyo Andy Robertson ayaa safan kara kulamadoodii ugu horeeyay ee tartan rasmi ah kooxda Reds.

XAQIIQOOYIN

Watford ayaa laga badiyay seddexdii kulan ee ugu dambeysay Premier league ay la ciyaartay Liverpool, iyadoo celcelis ahaan looga dhaaliyay 9 gool.

Emre Can ayaa goolkiisii ugu fiicnaa Premier League xilli ciyaareedkii hore ku dhaliyay garoonka Vicarage Road.

Labada kooxood ayaa goolal dhaliyey dhamaan afartii kulan ee ay isaga hor yimaadeen xilli ciyaareedkii hore Premier League.

The Hornets ayaan laga badinin 10kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka maalinta furitaanka, waxaana ugu dambeysay qasaro markii lix jeer oo isku xigta looga badiyay intii u dhaxeysay 2001 iyo 2006.

Liverpool ayaa badisay dhamaan afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay ciyaartay Premier League maalinta furitaanka, ka dib markii ay ku guuldareysteen inay badiyaan afartii hore kaa horeysay.

Saddex ka mid ah afartii guul darro ee Liverpool ka soo gaartay maalinta furitaanka Premier League waxay ku yimaadeen garoonka Anfield.

SAFAFKA MACQUULKA AH

WATFORD: Gomes; Janmaat, Prodl, Britos, Holebas; Hughes, Chalobah; Amrabat, Capoue, Cleverley; Gray

LIVERPOOL: Mignolet; Alexander-Arnold, Lovren, Matip, Moreno; Can, Henderson, Wijnaldum; Mane, Firmino, Salah

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.