FALANQEYNTA Kulanka xiisaha badan ee kooxaha Chelsea Vs Burnley (Maxaa Laga Soo Calaamadiyey??)

FALANQEYNTA Kulanka xiisaha badan ee kooxaha Chelsea Vs Burnley (Maxaa Laga Soo Calaamadiyey??)

Chelsea ayaa waxaa ka maqnaan doona dhowr ciyaaryahan oo muhiim ah marka ay bilaabanayaan difaacashada horyaalka Premier League galabta, iyagoo gurigooda kula ciyaaraya kooxda Burnley.

Blues ayaa waxaa ka maqnaan doona seddexda ciyaaryahan ee Eden Hazard, Pedro iyo Tiemoue Bakayoko, halka Victor Moses uu ganaax ku maqan yahay.

Weeraryahanka Diego Costa ayaa dibad joog ka ah kooxda, isagoo loo sheegay inuusan mustaqbal ku laheyn kooxda Antonio Conte.

Chelsea ayaa xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay 30 kamid ah 38 kulan oo ay ciyaaratay, lakiin ma aysan aheyn mid si sahlan ku qaaday horyaalka.

OGEYSIISKA CIYAARTA

Saacada: 5:00 pm

Garoonka: Stamford Bridge

Garsoore: Craig Pawson

MAXAA CUSUB?

Pedro ayaa dhaawac canqawga ah uu kasoo gaaray kulankii axadii hore ee Community Shield qasaraha kala kulantay kooxdiisa Arsenal, sidaasi darteed waxa uu seegi doonaa kulanka furitaaanka Premier League ee Chelsea.

Moses ayaa ganaax ku maqan ka dib markii uu casaan qaatay ciyaartii finalka FA Cup ee bishii May, halka Costa, Hazard iyo Jermain dhaawac jilibka ah ku maqan yihiin.

James Tarkowski iyo Jon Walters ayay u badan tahay inay kusoo bilaawdaan kulankaan kooxda Burnley, iyadoo Michael Keane iyo Gray labaduba la iibsaday xagaagan.

XAQIIQOOYIN

Chelsea ayaan laga badin lixdii kulan ee ugu dambeysay horyaalka oo ay la ciyaartay kooxda Burnley (W4 D2 L0).

Chelsea kuma qasaarin maalinta furitaanka Premier League, waxaana ay uruursadeen 54 dhibcood.

Blues ayaan laga badin furitaanka horyaalka Premier League tan iyo 1998dii, markaasoo qasaaro ay kala kulmeen kooxda Coventry.

Jack Cork ayaa kulankiisii ugu horeyay kusoo bilaaban doona kooxda Burnley, laakiin Phil Bardsley ayaan taam aheyn kulankaan.

Burnley ayaa laga badiyay seddexdii kulan ee ugu dambeysay furitaanka horyaalka Barclays Premier League, iyagoo dhaliyay kaliya hal gool seddexdaas kulan.

Chelsea 183 dhibcood ayay heleen bisha August, waa in ka badan marka loo eego kooxaha kale ee Premier League taariikhda.

SAFAFKA MACQUULKA AH

CHELSEA: Courtois; Azpilicueta, Rudiger, Luiz, Cahill, Alonso; Fabregas, Kante; Willian, Morata, Pedro

BURNLEY: Heaton; Lowton, Tarkowski, Mee, Ward; Arfield, Cork, Hendrick, Brady; Vokes, Walters

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.