FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha Badan Ee Kooxaha Manchester City Vs Bringhton (Maxay Saxaafadu Ka Tiri??)

FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha Badan Ee Kooxaha Manchester City Vs Bringhton (Maxay Saxaafadu Ka Tiri??)

Brighton ayaa xilli ciyaareedkeedii koowaad bilaaban doonta Premier League,  iyadoo tijaabo adag la sameyneysa kooxda Manchester City caawa.

Kooxda Seagulls ayaa si toos ah ugu soo baxday tartanka Championship xilli ciyaareedkii hore markii ay xaqiijisteen booskooda kaalinta koowaad.

Waa markii ugu horeysay muddo 34 sanno ah kadib kooxdan ay ciyarato horyaalka heerka koowaad ee England.

Waxa ay sameeyeen dhowr saxiix xagaagan si ay kaga caawiyaan xilli ciyaareedkooda ugu horeeyay Premier League, waxaana ay jabiyeen rikoorkoodii suuqa kala iibsiga.

Goolhaye Matthew Ryan, ciyaaryahanka khadka dhexe Davy Propper iyo ninka garabka ka ciyaara ee Jose Izquierdo ayaa kusoo biiray kooxda Brighton xagaagan.

Man City ayaa sidoo kale wajiyo cusub lagu soo daray xagaaagan, waxaana tababare Pep Guardiola uu rajeynayaan inuu helo xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa England.

Kulanka

Saacada: 7.30 PM

Garoonka: Amex Stadium

Garsoore :Michael Oliver

MAXAA CUSUB?

Isquierdo ayaa u muuqda mid aan la helin Karin kulanka caawa ee Brighton, laakiin Chris Hughton ayaa u yeeraay saaxiibkiisa cusub ee qadka dhexe Davy Propper.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Beram Kayal ayaa seegi doona muddo labada bilood ah garoomada, iyadoo lugta uu ka jabey, waxaana uu maqnaanshihiisa dhibaato u keeenayaa xulashada tababare Hughton.

Man City ayaa laga yaabaa inay afar ciyaaryahan oo cusub kusoo bilowdo kulankaan, iyadoo Ederson, Bernardo Silva,Kyle Walker iyo Danilo ay dhamaantood diyaar u yihiin ciyaartaan.

Benjamin Mendy, ayaa dhibaato muruqa ah qaba, halka Ilkay Gundogan uusan weli taam aheyn ka dib markii uu dhaawac jilibka ah uu soo gaaray kulankii ugu dambeeyay kooxdisa xilli ciyaareedkii hore.

XAQIIQADA

Kulankan ayaa noqon doona kulankii ugu horeeyay ee tartan rasmi ah ee dhexmara labada kooxood tan iyo koobkii League Cup ee bishii September 2008.

Kulankii ugu dambeeyay ee u dhaxeeyay Brighton iyo Man City waxaa 2-1 ku badisay City bishii April 1989-kii, waxa ay aheyd ciyaar ka tirsaneyd heerka labaad ee kubada cagta England.

Kulankii ugu dambeeyay ee Brighton furitaanka horyaalka heerka koowaad ayaa ahaa mid ay la qaadatay kooxda Ipswich 1982-83, barbaro 1-1 ah ayay galeen waqtigaas.

Kooxda Seagulls ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay furitaanka xilli ciyaareedka cusub.

Sergio Aguero ayaa shan gool ka dhaliyay lix kulan oo uu saftay maalinta furitaanka Premier League.

Pep Guardiola ayaa badiyay mid kasta oo ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeyay maalinta furitaanka horyaaladii uu kasoo shaqeeyay.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Brighton: Ryan, Saltor, Duffy, Dunk, Suttner, Stephens, Propper, Murphy, Gross, Brown, Murray.

Manchester City: Ederson, Stones, Kompany, Otamendi, Walker, Danilo, De Bruyne, Fernandinho, D.Silva, Aguero, Jesus

Leave a Reply

Your email address will not be published.