Fariimo loo diray ciidamada dowlada ee ku sugan deegaanada uu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow

Fariimo loo diray ciidamada dowlada ee ku sugan deegaanada uu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow

Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen (Eelaay) oo la hadlayay Ciidamada Koonfur Galbeed ee ku sugan deegaanka Abal ayaa Ciidamada u sheegay in looga baahan yahay dulqaad iyo sabar inta uu socdo ololaha loogu gurmanayo Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ay ku hareeraysan yihiin ururka Al-shabaab.

Waxa uu sheegay dalka gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed in ay ka jiraan dhibaatooyin, balse Maamulka Koonfur Galbeed uu wado dadaalo arrimahaasi wax looga qabanayo.

Xasan Xuseen (Eelaay) Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii Ciidamada Koonfur Galbeed ay u heli lahaayeen xaqa iyo xuquuqda ay leeyihiin, si ay isaga difaacaan ururka Al-shabaab ee ku sugan degaanadaasi.

Ururka Al-shabaab ayaa mar kale waxa ay shalay weerar ku qaadeen degaanka Abal oo ka tirsan gobolka Bakool, halkaasi oo uu fariisin ku leeyahay Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Al-shabaab ayaa la sheegay in Ciidamo fara badan ay soo dhoobeen degaanka Abal, sidaasina ay weerarka ugu qaadeen Wadaadka, halkaasi waxaa labada dhinac ku dhexmaray Dagaal aad u xoogan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.