Hub culus oo la gaarsiiyay ciidamada Xudur ee gurmadka u ah Mukhtaar Roobow

Hub culus oo la gaarsiiyay ciidamada Xudur ee gurmadka u ah Mukhtaar Roobow

Ciidamada ku sugan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, ayaa waxaa la gaarsiiyay saanad Militari oo laga qaaday Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Saanadan Militari ayaa loogu talo galay in loo qaybiyo ciidanka gurmad ahaanta loogu diyaariyay Abuu Mansuur Roobow oo ku sugan duleedka deegaanka Abal ee Gobolka Bakol.

Saanadan ciidan waxaa Magaalada Xudur ka dejiyay Wasiirka amniga Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Eelay oo ay la socdaan Taliyaha ciidanka Militariga Gobolka Bakool iyo Taliyaha ciidamada Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Hadda waxaa Degmada Xudur jooga Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ee Bakool Maxamed Xasan Tima Cadde iyo Taliyaha Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur galbeed Shiine Macalin Nuurow.

Ujeedka Saraakiishaan Xudur ay u joogaan ayaa ah in ciidamada loo qaybiyo hubka, kadibna loo diyaariyo sidii jidgooyo ay ugu dhigi lahaayeen gurmadka Shabaab ee dhanka Abal u socda.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu qorsheynaayo safar inuu ku tago magaalada Xudur si ciidamada uu ugu dhiirageliyo shaqada la dagaalanka Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.