Maxaa kala soctaa heerka uu gaarsiisan yahay dhaqaalaha maamulka Gobolka kasoo gala Dowladda Hoose

Maxaa kala soctaa heerka uu gaarsiisan yahay dhaqaalaha maamulka Gobolka kasoo gala Dowladda Hoose

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dhaqaalaha soo gala Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulkiisa dhaqaalo badan uusan ka soo gelin Dowladda Hoose balse waxa uu tilmaamay in dowladda dhexe dhaqaalo fara badan ay ka hesho Dowladda Hoose.

Waxa uu xusay in dhaqaalaha yar oo ay helaan in ay ku dadaali doonaan iney ku maareeyaan howlaha muhiimka ah oo ay u baahan yihiin shacabka ku nool Gobolka Banaadir.

Duqa magalada Muqdisho ayaa waxa uu tilmaamay in shacabka Gobolka Banaadir ay heystaan fursad ay Maamulkooda kula xisaabtai karaan oo ah dhaqaalaha soo gala iyo meelaha ay ku baxaan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 9-kii bishan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxa uu markii ugu horeysay ku Daah-furay Barnaamij loogu magac daray Maareynta Maaliyadda Dadweynaha, tan iyo 1991-kii.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.