Mid kamid ah waddooyinka Muqdisho ee u xirnaa Colaadaha oo goordhow la furay

Mid kamid ah waddooyinka Muqdisho ee u xirnaa Colaadaha oo goordhow la furay

Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa saaka dib u furay wadada isku xirta Isgoyska Shaqaalaha illaa Isgoyska KPP, taasi oo u xirnayd sababo amni.

Meesha ay ka bilaabato wadada oo hadda ay degan yihiin xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somaliya ayaa tan iyo markii wadada la dhisay waxa ay u xirnayd sababo amni.

Wasiirka amniga oo uu wehliyo Duqa Muqdisho Taabit Cabdi, ayaa saaka gaaray wadadan, waxaana ay ka qaadeen difaacyada ciidanka Imiggrationka ay wadada dhexdeeda ka sameysteen.

Wadadan oo sanadkii 2016-kii uu dhisay Duqii hore ee Muqdisho Yuusuf Madaale, ayaa tan iyo xilligaasi waxaa caqabad ku ahaa isu socodkeeda laanta Imigration-ka oo wadada xiratay.

Wasiirka ayaa sheegay wixii maanta ka dambeeya in wadadaasi si cad ah loo isticmaalo karo.

Dib u furista wadada shaqaalaha oo mid muhiim ah, ayaa waxa ay saxmada badan ka yareynaysa wadada Maka Al-Mukarama oo hadda badi gaadiidka ay isticmaalaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.