Puntland oo si kulul u beenisay warar been abuur lagu sheegay oo laga faafiyay

Puntland oo si kulul u beenisay warar been abuur lagu sheegay oo laga faafiyay

Puntland ayaa beenisay war uu sheegay  wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo sheegay in dowlad-gobolleedka ay kula heshiiyeen sanduuqyada cod bixinta doorashada ka dhacaysa Somaliland in la geeyo gobollada Sanaag iyo Sool.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Qarjab oo hadalkaa ka jawaabay wuxuu sheegay marna inaysan ogaleyn Somaliland inay sanduuqyada lagu codeynayo geyso Sool iyo Sanaag.

“Halkan waxaan usoo fariistay inaan beeniyo war kasoo baxay Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland ee sheegay in ay Puntland kula heshiiyeen inay sanduuqyo keenaan Gobolka Sool iyo Sanaag, arrintaasi wax kajira majiraan.” ayuu yiri wasiirka warfaafinta oo inta  ku darray isagoo la hadlay taleefishinka Puntland-tv  “Mana ogolin Gobolka Sool iyo Gobolka Sanaag in ay Sanduuqyo keento Somaliland.”

Waxaa kalo u sheegay Puntland inaysan carqalad dooneyn,wixii dhib ah ee deegaannada ka dhacannaa ay mas’uuliyadeeda qaadeyso Soomaaliland, sida u sheegay.

Gabagabadii, wuxuu sheegay cid walba oo ku soo xad-gudubta deegaannadooda inay iska difaaci doonan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.