SUUQA: Juventus Oo Xiddig Muhiim Ah Ka Soo Qaadaneysa PSG (Tolow Waa Kee??)

SUUQA: Juventus Oo Xiddig Muhiim Ah Ka Soo Qaadaneysa PSG (Tolow Waa Kee??)

Blaise Matuidi waxa uu qarka u saaran yahay in uu €25m ugu biiro Paris Saint – Germain xilli PSG ay ku sii siqeyso saxiixa Fabinho.

Matuidi muddo dheer ayuu liiska ugu jiray Juventus  waxa ayna hadda isaga ka door bidayaan Emre Can iyo Steven N’Zonzi oo ay hore u doonayeen.

Sida laga soo xiganayo Sky Sports Italia iyo ilo wareedyo kale, Paris Saint-Germain waxa ay heshiis Monoco kala gaartay Fabinho.

Imaanshaha Brazilian-ka waxa ay keeni doontaa in aduun dhan €20-25m uu Matuidi ugu biiro Juve.

Qandaraas afar sano ah oo uu sanadkii ku qaadanayo €4m ayuu u saxiixi doonaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.